Jenaraalo iyo saraakiil ku la’day shil diyaaradeed

Caracas (Caasimadda Online) – Diyaarad ah nuuca qumaatiga ku kaca oo ay leeyihiin Ciidanka militari-ga dalka Venezuela ayaa bur-burtay waxaana ku dhintay Todobo qof oo saarnaa, sida uu sheegay Wasiirka Difaaca.

Diyaaradda ayaa ka duushay Magaaladda Caasimadda ah ee Caracas waxayna u socotay Caojedes ee Bartamaha dalka ku yaala balse wax yar uun ka dib markii ay duushay ayey ku dhacday meel aan sidaas uga fogeyn caasimadda.

Waxaa billowday baaritaan lagu ogaanayo waxa shilka sababay.

Madaxweyne Nocolas Maduru oo ku suganaa gobolka ay diyaaraddu usocotay ayaa daawanayay dhoolotus is xigxigay oo ciidanku ay dhigayeen, qudbad uu Tilifeshinka  ka jeediyay ayuu ku sheegay in Ciidanka Venezuela ay muujinayaan sida ay diyaar ugu yihiin in ay ka hortagaan gardaradda Mareeykanka.

Dadka dhacdadaan ku dhintay ayaa isugu jira Laba Janaraalo, Laba kabtan, Seddex Korneyl, Seddex Xidiglayaal iyo Askar kale.

Caasimada Online
Xafiiska Caracas
Caasimada@live.com