Tirada dadka rayidka ah ee Mareykanka ay ku dileen Soomaaliya oo la shaaciyey

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waaxda Difacaa  Maraykanka ee “The Pentagon” waxay soo saartay qoraal lagu xaqiijinayo tiradda dadka rayidka ee ay Hawlgalladda Milliteriga Maraykanka sannadkii la soo dhaafay ee 2018-ka.

Warbixin ay Waaxda Difaaca Maraykanka soo saartay ayey ku sheegtay inay 120 qof oo rayid ah dileen, 67 kalena ku dhaawaceen duqeym oay ka geysteen dalalka Somalia, Iraq, Syria iyo Afganistan, waxayna tirooyinkaasi aad uga hooseeyaan tirooyinka ay Kooxaha u dooda Xuquuqda Aadanaha soo saareen.

Warbixin-snnadlaha ee Waaxda Difaaca oo loo gudbiyey Kongareeska Maraykanka ayaa waxa uu muujinayaa in ku-dhawaad 800 oo qof oo rayid ah la dilay Hawlgalladii ay Maraykanka ka fuliyeen dalalkaasi sannadkii 2017-kii, kaasi oo qeyb ka ahaa Hawlgalkii Isbahaysiga Mraaykanka ee ka dhanka ahaa Dagaalamayaasha Kooxda Daacish ee ku sugan dalalka Syria iyo Iraq.

Warbixinta “The Pentagon”  waxaa lagu sheegay in Hawlgalladda ay sannadkan ka fuliyeen dalka Afganistan ku dileen 76-qof oo rayid ah, iyadoo duqeymahalaga fuliyey dalalka Syria iyo Iraq la sheegay in lagu dilay dad tiradooda guud dhan tahay 42-qof.

Warbixinta “The Pentagon”  oo ka koobnayd qiyaastii 20-bog waxaa lagu sheegay in Duqeymihii ay sannadkii hore ka fuliyeen Somalia ay ku dileen labo rayid oo keliya, taasi oo aad uga fog tiradda guud ee ay Hay’addaha Xuquuqda Aadanaha shaaciyeen sannadkii hore.

Hay’adda Amnesty International UK waxay bishii March 20-dii soo bandhigeen Warbixin ay Cinwaan uga dhigeen: , The Hidden US War in Somalia”  oo la micno ah “Dagaalkii Qarsoonsaa ee Maraykanka ee Gudaha Somalia”, kaasi oo lagu faahfaahiyey duqeyn ay Maraykanka ku dileen dad rayid ahaa.

Warbixintaasi waxaa lagu xusay in 14 qof oo rayid ah la dilay, halka 8 kalena lagu dhaawacay 5 ka mid ah 100 Duqeyn oo ay Maraykanka ka geysteen Somalia tan iyo bishii March ee sannadkii 2017-kii.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in shantaa duqeyn ay Diyaraadaha Dorniska Maraykanka ee Reaper iyo kuwo kale ka fuliyeen qeybo ka tirsan Gobalka Sh/hoose, waxayna duqeymahaasi u muuqdaan kuwo xadgudub ku ah Sharuucda Caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha iyo in laga yaabo inay yihiin Dembiyo Dagaal.

Dhinaca kale, Hay’adda Amnesty International USA waxay soo dhaweeyeen Warbixinta ay Waaxda Gaashaandhigga Maraykanka ka soo saareen khasaarihii dadka rayidka ka soo gaaray Hawlgalladii ay sannadkii hore ka fuliyeen dalal ay Somalia ku jirto.

Agaasimaha Ammaanka ee Xuquuqda Aadanaha ee hay’adda Amnesty International USA, Daphane Eviatar waxa sheegtay in ay nasiib-xumo tahay in Warbixinta Waaxda Difaaca soo saartay ay weli ka hooseyso tirada dadka rayidka ee ay khasaaraha ka soo gaareen Hawlgalladda ay Maraykanka hoggaaminayaan, khaas ahaan wararka ku aadan khasaaraha soo gaaray rayidka ku nool dalalka Somalia iyo Syria.

Waxay ku baaqday in loo baahan yaha in tallaabooyin dheeraad ah la qaado, si loo yareeyo khasaaraha dadka rayidka ka soo gaara Duqeymaha Maraykanka.

Radio Dalsan