Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/Guuto Aasad Cusmaan Cabdullaahi, ayaa shacabka iyo waxgaradka ku nool SSC-Khaatumo ugu hambalyeeyay guusha ay ka gaareen dhameystirka dhismaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari.
Dhismaha maamulkaasi ayaa lagu soo gaba-gabeeyay shir muddooyinkii dambe ka socday magaalada Laascaanood.
Qoraal uu Taliyaha ku daabacay bartiisa Facebook ayuu ku muujiyay taageeradiisa, isagoo yiri: “Waxaan u hambalyeynayaa shacabka iyo waxgaradka SSC dhameystirka dhisidda Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari.”
Jeneraal Asad Diyaano, oo horey uga mid ahaa musharraxiintii u tartamay xilka madaxweynaha Puntland, ayaa hoosta ka xariiqay in shacabka Puntland ay si weyn ugu riyaaqeen horumarkaasi.
Wuxuu sidoo kale ku baaqay in madaxda Puntland ay garab istaagaan walaalahooda SSC si loo xaqiijiyo midnimo iyo iskaashi dhab ah.
“Dadwayanaha Puntland waxay ku faraxsanyihiin guushaas, sidoo kale maamulka waxay masuuliyadu faraysaa inay garab istaagaan walaalahooda waxay isku noqonayaan garab iyo gaaashaan,” ayuu yiri Jeneraal Diyaano.
Hoos ka aqriso qoraalka:
Hambalyo Dhamaystirka Dowlad Goboleedka Wuqooyi Bari.
Waxaan u hanbalyeynayaa Shacabka iyo Waxgaradka SSC ee Dhamaystirka Dhisidda Dowlad Goboleedka Wuqooyi Bari.
Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha dalka Soomaaliya Dadaalkii iyo ka go’naantii ay geliyeen Dhisida Dowlad Goboleedkaas iyo hirgelinta midnimada iyo wadajirka dalka.
Dadwayanaha Puntland waxay ku faraxsanyihiin guushaas, sidoo kale maamulka waxay masuuliyadu faraysaa inay garab istaagaan walaalahooda waxay isku noqonayaan garab iyo gaaashaan.
Waxaan u rajaynayaa Dowlad Goboleedka Cusub guul, sidoo kale guud ahaan Soomaaliya Barwaaqo iyo Baraare.
Mahadsanidin.

