Jeneral Odowaa iyo saraakiil Itoobiyaan ah oo ku kulmay xuduudda + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan amniga oo ka kala socda dawladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku kulmay magaalada Ceel-Barde ee u dhow xuduudda Soomaaliya la leedahay Itoobiya.

Kulankaan ayaa waxaa ka qayb-galay taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Guuto, Odowaa Yuusuf Raage iyo Taliye ku-xigeenka ciidanka Liyuu Booliis, Jeneraal Zakariye Cabdi Khaliif.

Sida ay baahisay idaacada VOA-da, kulankaan ayaa waxaa looga wada-hadlay sidii wax looga qaban lahaa argagixisada xadhka goosatay iyo in labada dhinac iska kaashadaan sidii looga sifeyn lahaa Al-Shabaab.

“Waxay ka wada-hadleen arrimo ciidan iyo howl amni, taasi faah-faahin dheeri ah kama bixin karo. Si guud waa wada-shaqeyntii iyo iskaashigii awalba ka dhaxeeyay labada hay’addood iyo labada dal,” ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Ceel-Barde oo la hadlay idaacada VOA-da.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay la-dagaalanka argagixisada, islamarkaana ay ka wada shaqeynayaan sidii loo burburin lahaa maleeshiyada Al-Shabaab.

Kulanka Saraakiisha ayaa daba socda weerarkii ay Al-Shabaab toddobaadkii hore ku qaadeen magaalooyinka Yeed iyo Caato, iyagoona usii gudbay gudaha Itoobiya, kadib weeraradii dhawaan.

Saraakisha Itoobiya ayaa sheegay inay burburiyeen maleeshiyaakdii Al-Shabaab ee gudaha u gudbay, ayaga oo soo bandhigayna dagaalka ka dib xubno ay nolosha kusoo qabteen.