XAMZA oo sheegay sabab yaab leh oo ku dheereysay magacaabista wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa ka hadlay sababta keentay inay ku dheeraato magacaabista golaha wasiirada cusub, oo illaa hadda aan laga heyn 40 malamood kadib markii la magacaabay.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta muddo dheeri oo 10 maalmood ah ugu daray Xamza si uu usoo dhiso xukuumadda, ayada oo maanta ay ku ekeyd 30-ka maalmood ee ay aheyd inuu kusoo dhiso oo ka billaabatay markii la asnixiyey.

Xamza oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in caqabadaha ka dhashay doorashadii soo jiitantay ee muddada badan socotay iyo is aaminaad la’aantii siyaasadeed ee ay horseedeen khilaafaadkii doorashada, sabab u yihiin dib u dhaca dhismaha Golaha Wasiirrada,

Waxa uu intaas ku daray in loo baahan yahay is-qancin siyaasadeed iyo soo celinta kalsoonida dowladnimada iyo Hay’adaha Qaranka.

“Si aan u soo dhiso xukuumad tayo leh, isuna dheelli tiran, waxaa lagama maarmaan noqotay inaan waqti ku filan geliyo la tashiyada an la sameynayo qeybaha kala duwan ee siyaasiyiinta dalka iyo bulshada rayidka Soomaaliyeed,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Xildhibaannada Golaha Shacabka inay muddo dheeri oo 10 maalmood ah siiyeen dhismaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu ka codsaday. 

Waxa uu xusay in muddadaas uu ku soo dhisi doonno xukuumad tayo leh, oo xaqiijin karta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed, dalkana ka samata-bixin karta abaaraha iyo dhibaatada argagixisada.

Kulankii Golaha Shacabka ee maanta ayaa waxaa fadhiyey 145 xildhibaan, waxaana codsiga Xamza aqbalay 144 xildhibaan, ayada oo hal xildhibaan uu diiday.