Daawo: Jeneraal XUUD oo beddelay mowqifkiisii kuna dhowaaqay kacdoon cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame (Xuud) oo si weyn uga soo horjeeday maamulka HirShabelle balse xilligii ay sii dhaceysay dowladda Farmaajo la keenay Muqdisho, islamarkaana qaatay nabad ayaa maanta ku dhowaaqay kacdoon cusub.

Jeneraal Xuud ayaa maanta shir jaraa’id oo uu qabtay wuxuu ku sheegay in marnaba uu isbedelin mowqifkiisi hore ee kacdoonka, kaasi oo uga soo horjeeday madaxweyne Cali Guudlaawe.

Jeneraal Xuud ayaa sheegay in aan xoog lagu haysan karin Hiiraan, islamarkaana ay maamul cusub u sameysanayaan, isaga oo xusay in uusan aqoonsaneyn maamulka HirShabelle ee uu hogaamiyo Guudlaawe.

“Marka Xamar nimid in aan ka hadalno arrin ceyrin ah, marwalba waxaa isku dayeynay in aan ka gun gaarno wax walba. Waxaa shirkaan jaraa’id u qabanay HirShabelle mowqifka ay taagan tahay iyo mowqifka aan taaganahay hadda nahay Kacdoonka Hiiraan ay aad u kala fog-yihiin, marnaba aysan isku imaan karin,” ayuu yiri.

“Haddii la isku dayana aan la isku soo jiidi karin (Kacdoonka iyo maamulka Guudlaawe), sababta waxay tahay markhaati ma doonto meesha taalla ay tahay wixii dhacdooyin ahaa ee ka dhacayay Hiiraan in aan waxba laga qaban.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in xalka xiisada taagan uu ku imaan karo wax ay raali ka yihiin reer Hiiraan, isagoo xusay in reer Hiiraan ay isku duuban yihiin kadib masiibooyinkii ka dhacay Beledweyne.

“Jowhar wax inoogama maqne, Kacdoonka wax ku maqan oo waa soo dhicineyna. Haddii ayaga maamulkoodii wax ku kooban ka hadleen anaga waxa ka hadleyna umadda dhibaateysan waxa haqabatiri kara.”

Ugu dambeyntiina waxa uu beeniyay in soo labo kacleynta Kacdoonka uu hogaaminayo Jeneraal Xuud uu lid ku yahay madaxweyne Xasan Sheekh, maadama xiligii Farmaajo uu hoos u dhacay ololaha Jabhadeynta Jeneraalka, isaga oo Muqdisho yimid lana heshiiyey dowladdii Farmaajo.

Hoos ka daawo muuqaalka