‘Saddex ujeedo oo Fahad uu ka lahaa’ farriintii uu soo diray

Muqdisho ( Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee hey’adda sirdoonka iyo nabadsugida qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa 23-kii July sii daayey farriin si fudud lagu fahmi karay dulucdeeda oo uu kaga hadlay weerarka Al-Shabaab ka fulisay qeybo kamid ah gobolka Bakool iyo dhulka Soomaali Galbeed.

Fahad Yaasiin ayaa soo jeediyey talooyin u muuqday inay xambaarsan yihiin ujeedooyin gaar ah. Marka laga tago inuu Fahad Yaasiin isku dayey inuu dowladda cusub ku eedeeyo inay sahashatay dagaalka Al-Shabaab ku qaaday qeybo Bakool iyo Soomaali Galbeed kamid ah, haddana saddex arrimood ayaa si fudud looga dhex akhrisan karay ujeedka qoraalka uu soo saaray.

Fahad Yaasiin, oo qeyb ka mid ah qoraalkiisa laga dheehday inuu dhulka Soomaali Galbeed u yaqaano dal daris oo ah Itoobiya xilli aysan Soomaaliya meelna ku aqbalin in dhulkaas Itoobiya yahay, ayaa dhinaca kale waxaan warbixintaan kusoo koobeynaa seddex ujeedo oo farriintiisa laga fahmay.

  1. Far isku fiiqidda Xasan Shiikh iyo Itoobiya

La taliyihii hore ee amniga qaranka Fahad Yaasiin Xaaji wuxuu dowladda cusub ee Xasan Sheekh ugu baaqay inaan la sahashan in Al-Shabaab u gudubtay dal daris ah.

Intii uu Fahad haystay NISA iyo intii uu la taliyaha u ahaa Farmaajaba Al-Shabaab waxay dhowr jeer u gudbeen waddanka Kenya, mana uusan sheegin inay taasi qatar weyn ku tahay darisnimada iyo xasilloonida gobolka.

Inuu hadda muujiyo dareen noocaas ah waxay ka dhigan tahay ayaa la leeyahay qeexitaanka inuu fashil amni ku eedeenayo dowladda Soomaaliya iyo inuu Itoobiya u muujinayo in kooxda Xasan Sheekh aysan dan ka laheyn in dhankooda lasoo aado.

Wuxuu dhinaca kale qodobkaas muujinayaa sheegasho ah in weli Farmaajo iyo kooxdiisa  Itoobiya garab u yiiin xilli uu madaxweyne Xasan Sheekh dhawaan soo celiyey xiriirkii Soomaaliya iyo Kenya.

  1. Iska leexinta cilaaqaadka lagu xanto ee Al-Shabaab

Fahad Yaasiin wuxuu qoraalkiisa ku duray Al-Shabaab iyo duulaankooda. Ma ahan siyaasi looga bartay inuu kooxdaasi si adag u naqdiyo.

Marar badan agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin waxaa lagu eedeeyey inuu kooxdaan la leeyahay cilaaqaad wanaagsan.

Qoraalkiisa waxay dadka qaarkiis ku tilmaameen inuu ku muujinayo inuu ka fog yahay kooxdaasi si loo daciifiyo eedaha isku xira isaga iyo kooxda Al-Shabaab.

Intii uu Fahad ahaa agaasimaha NISA iyo ka horba dhowr jeer ayaa lagu eedeeyey gacansaarka kooxdaas, xilli sii horeysayna agaasime ku xigeenkii hore ee NISA Cabdalla Cabdalla ayaa u gudbiyey maxkamadda ciidamada qalabka sida dacwad la xiriirta inuu Fahad gacansaar la leeyahay kooxda Al-Shabaab.

  1. Weerarka Mahad Salaad

Qoraalka uu Fahad sii daayey wuxuu mar kale ku weeraray agaasimaha cusub ee hay’adda NISA Mahad Maxamed Salaad. Dhowr asbuuc ka hor wareysi uu Fahad Yaasiin bixiyey ayuu si dadka carro shakhsi ah ku sifeeyeen u weeraray isla Mahad.

Mar la eego qoraalkiisa sida uu Fahad mar kale isku xijinayo Al-Shabaab iyo Mahad Salaad iyo sida uu isaga mar kale isaga bari yeelayo saaxiibtinimada kooxdaas, waxay dad badan is waydiinayaan haddii uu labada nin ka dhexeeyo dagaal shaqsi ah oo siyaasadda dhaafsiisan ama haddii ay jiraan waxyaabo soo socda oo looga hortagayo farriimaha Fahad ee ku wajahan Mahad Salaad, si berri wax walba loogu arko dagaal shaqsiyadeysan.

Si walbaba, Fahad Yaasiin wuxuu soo jeediyey talooyon uusan bixin tallaabo ahaana u qaadin intii ay kooxdiisa xukunka haysatay iyadoo waqtigii Farmaajo marna dagaal lagu qaadin kooxda Al-Shabaab.