Jeneraal ODOWAA oo shaaca ka qaaday xog ku saabsan Al-Shabaab ku jira kaymaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo ka hadlay dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab ayaa sheegay in dagaal-yahaanada kooxda ay haystaan laba doorasho oo kaliya.

Odowaa ayaa sheegay in xiligaan ay Shabaab u furan tahay inay isa-soo dhiibaan, haddii ay doonayaan inay helaan badbaado, iyo doorashada kale oo uu ku sheegay inay tahay dhimasho.

Jeneraalka oo la hadlayay boqolaal ka tirsan ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka ayaa sidoo kale sheegay inay ka warhayaan in dhaawacyada iyo maydadka Al-Shabaab ay daadsan-yihiin keymaha ay ku dhuumayeen, ayna uga daba tagi doonaan, sida uu sheegay.

“Waxaan ognahay inaad keymaha ku dhiig baxaysaan, waxaan ognahay in maydadkiinu geedaha dulsaaran yihiin, waxaa idiin furan labo arrin oo kala ah, imaa inaad isisoo dhiibaan oo aad martaan hannaanka cafiska dowladda, waa imaa inaan bartiina idin kugu imaano oo idin ku dilno,” ayuu yiri.

Waxa kale oo uu tilmaamay in marnaba aan dhex-dhexaad laga noqon karin dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab, kaasi oo muddooyinkii dambe laga gaaray guulo waaweyn.

“Ciddii aan lasoo safan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka waa inay dhinaca kale lasoo saftaan, iskuna diyaariyaan inaan la cafindoonin,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in deegaanada laga xoreeyay Shabaab aysan ka muuqan wax ay ka qabteen diinta, islamarkaana ay diinteena suuban u geysteen gef aad u weyn, isaga oo xusay in kooxda dagaal la gashay dugsiyadii qur’aanka lagu baran jiray.