Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh dadkiisa ka codsaday inay ugu hiiliyaan hal arrin

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa dadka Soomaaliyeed ka codsaday inay u hiiliyaan, ugu hiiliyaan sidii uu u soo celin lahaa qabkii Soomaalida.

Madaxweynaha ayaa codsaday in mar dambe aysan dadka Soomaaliyeed hoos isku fiirin, isagoo wacad ku maray inuu xaqiiji doono intii uu karo himillada ay u qabaan inay dunida wax la qeybsadaan.

“Soomaaliyey walaalayaal dhamaantiin waxaan idinka codsanayaa inaad ii hiilisaan, anigoo ah madaxweynihii aad shalay doorateen, waxaan dinka codsanayaa inaad iigu hiilisaan soo celinta sharafta iyo karaamada aan mudada dheer ka oomanahay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu sheegay in Soomaalidu ay ugu horeeyaan umadaha ugu sharafta badan dunida, sidoo kale wuxuu xusay in dalkeenna ay barwaaqo buuxdo.

“Soomaaliyey aniga iima muuqato sabab aan u noqon weyno dadka dunida ugu sharafta badan uguna farxadda badan, waa noqo karnaa ee walaalayaal waxaan idinka codsanayaa inaad iigu hiilisaan mashruucaas,” ayuu hadalkiisa ku sii daray madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu dambeyntii madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dadka SOomalaiyeed ka codsaday in mar dambe aysan hoos isku fiirin oo khilaafaadka dhexdooda yaalla ay ka gudbaan, si dunida aan u hiigsano.

Madaxweynaha ayaa codsigaan ku soo gabagabeeyey khudbad uu jeediyey oo uu kusoo koobaayey hormaradii ay sameysay dowladda uu hoggaamiyo todobadii bilood ee uu xafiiska joogay.

Hoos ka daawo