Beesha Caalamka oo war cusub ka soo saartay xiisadda Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – War-saxaafadeed kooban oo ka soo baxay beesha caalamka ayaa baaq loogu diray Somaliland iyo shacabka ku nool magaalada Laascaanood, iyadoo qoraalkaan walaac looga muujiyey xiisadda ka taagan magaaladaas.

“Saaxiibada Beesha caalamka ayaa ka walaacsan rabshadaha Laascaanood ee sababay dhimashada iyo dhaawaca dad rayid ah. Ka hortagga rabshadaha iyo xaqiijinta ilaalinta dadka rayidka ah ayaa ugu muhiimsan,” ayaa lagu yiri bayaankaan.

Qoraalka oo aad u koobnaa ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan ku baaqaynaa xasillooni iyo is-xakameyn. Xiisadaha waa in lagu xalliyaa isdajin iyo wadahadal.”

Dad badan ayaa lagu dilay Laascaanood maalmihii lasoo dhaafay, waxaana xusid mudan in rabshadaha ka socda magaaladaas ay markii horaba ka dhasheen dilal aan la garaneyn cidda geysata.

Dad banaan-baxyada dhigaya ayaa sheegaya in aysan dooneyn inay Somaliland sii xukunto Laascaanood, iyagoo ku doodaya in dilka haldoorkooda aysan sidaan ku sii fiirsa karin.

Ciidamada Somaliland ayaa awood u adeegsanaya dibad-baxayaasha, waxay maalmihii lasoo dhaafay toogteen dhowr qof, waxayna rabshadahaani socdaan in ka badan todobaad.

Baaqyo ku aadan in la qaboojiyo xiisadda Laascaanood ayaa iska soo dabadhacaya, waxaana ugu dambeeyey kan caawa ka soo baxay beesha caalamka.

War-saxafadeedkaan waxaa si wadajir ah u soo saaray ururrada iyo wadamada kala ah: Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Canada, Shiinaha, Denmark, Masar, Itoobiya, Wafdiga Midowga Yurub, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Qadar, Suudaan, Iswiidhan, Turkiga, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka and Qaramada Midoobay.