Guddoomiyaha Aqalka Sare oo saddx qodob kasoo saaray xiisadda Laascaanood

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya oo shir jaraa’id qabtay ayaa Somaliland u diray fariin la xariirta xiisada maalinkii 8-aad ka aloosan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Guddoomiyaha ayaa nasiib darro ku tilmaamay in dadka Soomaaliyeed aysan waxaba ka baran wixii taariikh madow soo maray, isagoo xusay in 45 sano oo dagaal ah ay Soomaalidu soo martay.

Cabdi Xaashi ayaa Somaliland iyo reer Laascaanood u diray baaq ka kooban seddax qodob oo kala ah:

1 – Somaliland waxaan u soo jeedinayaa in dad shacab ah oo banaanbax sameynaya in xabado lagu furo waa arrin qaldan, waana in la joojiyo.

2 – Dadweynaha reer Sool waxaan leeyahay mudo dheer ayaad nabad heysateen, waana ku amaanantihiin, laakiin mudaharaad wax burburinaya ma fiicna ee halaga joogo.

3 – Waxaan ugu baaqayaa dhinacyada in la wada fariisto, la wadahadlo oo heshiis lagu gaar, sida uu xalku ku jiro.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa 3-daas qodob hor dhigay Somaliland iyo dadka reer Sool, isagoo baaq guud u diray guud ahaan Soomaalida.

“Soomaaliyey dantiinu waxay ku jirtaa inaad nabad ku wada noolaataan, waxaan idinkugu baaqayaa inaad heshiisaan, intii dhimatay Allaha u naxariisto, colaadahana allaha naga koriyo,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey Guddoomiye Cabdi Xaashi.

Xiisad culus oo sababtay banaan-baxyo rabshado wata iyo in ciidamada Somaliland ay toogasho toos ah geystaan ayaa ka taagan magaalada Laascaanood in ka badan hal todobaad, waxayna dadka gobolkaasi sheegeen inay diidan yihiin inay sii xukunto Somaliland.

Hoos ka daawo hadalkii Cabdi Xaashi