Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid arrin qeyb ka ah xiisadda Laascaanood

Hargeysa (Caasimada Online) – Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa ka horyimid in Somaliland ka baxdo magaalada Laascaanood, xili ay arrintaan qeyb ka tahay xiisadda ka taagan ee maalmihii dambe isku rogtay rabshadaha ay ciidanka Somaliland ku dileen dadka shacabka ah

Xoghayaha cadaalada ee xisbiga Yoonis Axmed Yoonis oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xukuumadda ku taageersan-yihiin difaaca ciida Somaliland, balse waxa uu cambaareeyay sida booliisku uga jawaabay mudaharaadada, isaga oo sheegay in ka xisbi ahaan aanay xukuumadda kula socon arrintaasi.

“Qorshe xumo xukuumadda ah ayaa Laascaanood taalla, madaxweyne kuwaad u igmaday gobolka Sool way ku fashilmeen, may ahayn dadka mudaharaadka salmiga ah sameeynayay ee cowday ee xaqa u leh in la laayo, waanu ka xunahay kulama socono xukuumada,” ayuu yiri.

“Laakiin waxaanu kula soconaa oo ciidamada ku taageersanahay, oo dowlada ku taageersanahay difaaca Somaliland laakiin Somaliland cidi may soo weerarin dadka yaan been loo sheegin, Laascaanood waa Somaliland, Somaliland ayay doonayaan oo ay leeyihiin yaa na-dilay.”

Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa dooda dadweynaha reer Laascaanood kusoo aruuriyay inay xukuumadda Somaliland ka doonayaan inay uga jawaabto cida dilalka geysaneysa.

“Somaliland kama baxayso Laascaanood ka ku leh Somaliland ayaa kasoo baxaysa Laascaanood waa nin aan habeen jirin, haduu madaxweynuhu waxa ku kaco, danbi qaran ayuu galay oo qarankii ayuu kala jaray,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xoghayaha cadaaladda ee xisbiga Waddani.

Xaalada Laascaanood ayaa lagu soo waramaya inay saacadihii dambe tahay mid degan, ayada oo ciidamada millateriga lagu arkayay iyaga oo dhooban waddooyinka, waxaana hawada ka maqan khadka internet-ka ee magaalada oo xukuumadda Somaliland ay xoog ku jartay.