Jeneral Bariise oo shaaca ka qaadau inuu is-casilay laba maalin kahor, lana yaabay warka Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka Sareeya Guuto Maxamed Cali Bariise oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in xilka uu iska casilay laba maalmood ka hor, oo ku asteysan 18-kii bishan.

Taliyaha ayaa sheegay in warqadda is-casilaadda uu laba maalin ka hor u gudbiyey madaxweyne Farmaajo, isla markaana uu ka sugayey in laga aqbalo, balse uu caawa warbaahinta iyo baraha bulshada ku arkay xilka qadista uu ku sameeyey Madaxweyne Farmaajo, taas oo uu sheegay in aad uu ula yaabay.

“Waxaan warqad is-casilaad ah u gudbiyey madaxweynaha laba maalin ka hor, balse ma garanayo sababta maanta baraha Facebooka iyo Twitter-ka Villa Somalia loogu faafiyay in anniga xilka la iga qaaday, iyadoo aan jawaab rasmi ah la igu soo celin warqadii istiqaaladeyda,” ayuu yiri Jeneral Bariise.

Jeneral Bariise ayaa Caasimada Online la wadaagay warqadda uu ku gudbiyey is-casilaadiisa, waxaana ku xusan in sababta uu iskaga casilay xilkaas ay tahay, in uu go’aansaday, kaddib markii uu arkay marxaladda difaac ee adag oo uu dalku hada marayo iyo faragelinta siyaasadeed ee sida joogtada ah loogu hayo hoggaanka ciidanka xoogga dalka.

Hoos ka aqriso warqadda uu sheegay  Gen. Bariise in uu isku casiley