Jeneral Galaal oo war kasoo saaray xiisadda ka dhex oogan DF iyo Ahlu-Sunna

Guriceel (Caasimada Online) – Janeraal Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa Saraakiishii hore ee Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda magaalada Dhuusomareeb oo ay isku hayaan dowladda Soomaaliya iyo kooxda Ahlu-Sunna.

Galaal oo wareysi siiyey BBC-da ayaa sheegay in xiisad aad u culus oo u dhaxey ciidamada dowladda ay geysay Dhuusamareeb iyo kuwa Ahlu-Sunna ay ka taagan tahay magaalada Dhuusamareeb.

Galaal oo ku sugan degmada Guriceel oo uu waayadaan ku noolaa, ayaa sheegay in Ahlu-Sunna ay ka careysan tahay heshiiskii ay la galeen dowladda oo qodobada qaar aan la fulin iyo Ciidamada ay dowladda ku daad-gureyneyso degmada Dhuusamareeb.

Waxa kale oo uu sheegay inay soo gaartay war la xiriira in cidamo iyo saraakiil ka tirsanaa Ahlu-Sunna ee saakay la doonayay in Muqdisho loo qaado ay diideen, isla markaana ay xiryahooda dib ugu laabteen.

Galaal ayaa ugu baaqay labada dhinac inay xaalada ka dhigaan mid degan si looga baaqsado dagaal.

Waxa uu sidoo kale sheeaca ka qaaday in madaxda dowladda Soomaaliya ay Dhuusamareeb ku wajahayaan qorshela xiriira sidii ay ku soo noqon lahaayeen doorashada soo socota ee 2020.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey awood ugula wareegtay maamulka Koonfur Galbeed, balse ku guul-darreysatay Jubaland, waxaana hadda muuqata inay awood kale ku dayeyso Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com