Xafladdii xil ku wareejinta Cumar Finish ee caawa oo sababo amni loo baajiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafladda xil wareejinta guddoomiyaha cusub ee Gobalka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed oo la qorsheenayey inay caawa dhacdo ayaa baaqatay, sida lagu war-geliyey Caasimada Online.

Warbaahinta oo ay ka mid tahay Caasimada Online ayaa loo soo diray fariin qoraaleed loogu sheegayo in la baajiyay munaasaddii Caawa ka dhici laheyd Aqalka Dowladda Hoose.

Caasimada Online oo goordhow la hadashay masuuliyiinta amniga ee Gobalka Banaadir ayaa xaqiijiyay in sababo amni loo baajiyay munaasabadda Xil Wareejinta ee Caawa ka dhici laheyd magaalada Muqdisho.

Sidoo kale masuuliyiinta amniga ayaa noo sheegay in Booliiska ay ku taliyeen in guddi kale la magacaabo oo qaban qaabiya Munaasabadda Xil Wareejinta ee Guddoomiye Cumar Finish.

Walaac xoog leh oo dhanka amaanka ah ayaa ka jira Aqalka Dowladda Hoose ee Gobalka Banaadir iyadoo dadkii shalay la qabtay ay abuureen cabsi xoog leh oo xagga amniga ah.

Ciidamada booliska ayaa shalay Xarunta Gobalka kala baxay dad uu ka mid yahay ku xigeenka Agaasimaha Shaqada iyo Shaqaalaha ee  maamulka Gobalka Banaadir Nuur Axmed Cali, oo sidoo kale ka mid ahaa guddiga qaban-qaabada xafladda xil wareejinta

Ammaanka Xarunta Gobolka Banaadir ayaa la filayaa in Ciidamo gaar ah la wareegaan, iyadoo laga bedelayo Ciidamadii horay u joogay ee Booliska ahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com