Xog: Qorshaha DF ku wada qabsaneyso Dhuusomareeb iyo guud ahaan Galmudug

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa wadda qorshe ay ku qabsaneyso magaalada Dhuusomareeb, taasi oo ay aaminsan tahay inay ka caawin karto inay gacanta ku dhigto inta badan deegaanada maamulka Galmudug, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ilo-wareedyo ku dhow wasaaradaha arrimaha gudaha iyo amniga, ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamada tirada badan ee lagu daabulayo Dhuusomareeb ay tahay mid meesha looga saaray awoodda kooxda Ahlu-Sunna ee magaaladaas.

Dowladda ayaa dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyey ciidamo u daabushay Dhuusomareeb, waxaana ugu dambeysay maanta oo ciidamo iyo hub kale ay gaysay magaalada. Sidoo kale, qaar ka mid ah ciidamadii Ahlu-Sunna ee dowladda ku biiray ayaa la sheegay inay kasoo horjeesteen Ahlu-Sunna.

Kooxda Ahlu-Sunna ayaan si sahal ah uga tanaasuli doonin gacan ku haynta magaalada Dhuusomareeb, hase yeeshee dowladda ayaa lagu warramay inay ka go’an tahay inay qabsato magaalada, waxaana suurta-gal ah in dagaal dhiig badan ku daato lagu kala baxo.

Qorshaha dowladda ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah magaalooyinka Cadaado iyo Gaalkacyo. Inkasta oo labada beel ee halkaas degan iyo siyaasiyiintooda iyo xildhibaannadooda ay siyaasad ahaan kasoo horjeedaan dowladda, haddana ciidanka gacanta ku haya magaalooyinkaas waa ku ka amar qaataa dowladda.

Tusaale, Cadaado waxaa jooga ciidamo ka amar qaata taliyaha ciidamada booliska gobolka Bnaadir Saadaq John, oo deegaanka kasoo jeeda iyo ciidamo kale oo militari ah, halka Gaalkacyo ay awood xooggan ku leeyihiin ciidamada Danab.

Dowladda ayaa rumeysan in haddii sidoo kale ay xaqiijiso in ciidamada maamulaya Dhuusomareeb ay noqdaan kuweeda, ay xaqiijin karto inay gacanta ku wada dhigto saddexda magaalo ee ugu weyn ee Galmudug, ayna ka dhisi karto maamul ayada ku xiran.

Si kastaba, qorshahan ayaa dadka deegaanka aqoonta u leh ay ka digeen inuu yahay riyo, uuna ku dhammaan doono dagaal dhiig badan ku daato oo looga adkaado dowladda. Waxay sheegeen in Ahlu-Sunna ay adkaan doonto in Dhuusomareeb laga saaro, halka ciidamada joogo Cadaado iyo Gaalkacyo ee ay isku haleeneyso dowladda ka sokow ay hilmaamsan in dhammaan dadka deegaanka wada hubeysan yihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com