Jeneral Maxamed Cali oo sheegay in la xiray ganacsato dhaqaale siinayey TPLF

Jigjiga (Caasimada Online) – Ciidamada amniga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa Magaalada Jigjiga ku xirxiray 28 xubnood, oo lagu eedeeyay inay taageero maaliyadeed siinayeen Ururka TPLF ee ka dagaalama Gobolka Tigray.

Taliyaha Guud ee Booliska Dowlad Deegaanka Soomaalida, General Maxamed Cali Xasan ayaa dadkan ku eedeeyay in ay dhaqaale ku taageerayeen TPLF oo dowladda dalkaasi ay u aqoonsatay urur argagixiso.

“Dagaalka TPLF ay wadaan wuxuu ka dhan yahay dhammaan qowmiyadaha Itoobiya, waayo waxay rabaan inay soo celiyaan dhibaatooyinkii 27-kii sano ay dalka ku hayeen,” ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha ayaa sheegay in leesla gartay in laga hortaggo dadka dhaqaalaha siiya jabhadda TPLF.

“Nimankan TPLF meel kasta oo dalka ah way jooggaan, oo waad ogsoon tihiin 27-kii sano ee wadanka haysteen meel kasta way ku baaheen, dhaqaalo ayayna ku sameysteen, dad-na way ku sameysteen. Sidaa darteed waxaa la’isla gartay cidda xiriirka la leh ee hantida u direysa, weliba kuwa dagaalka ku jira ee hantidooda dagaalka uga shaqaynaya in laga hortagga. Ninka dagaalka ku jira ee dalka inuu burburiyo doonaya ee hantidiisana ay halkan taalo dee waa khasab in laga hortaggo,” ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha ayaa yiri “Sidaa darteed anagu waxaan qabanay 28 xubnood, gawaari badan oo iyagana aan qabanay way jiraan, kuwo badan oo hadda dabagal ku haynana oo qaban doonnaa jira.” Ayuu yiri Taliyaha oo intaa ku daray “Hantida noocaas ah runtii waan diiwaangelinaa iminka.”

General Maxamed Cali Xasan ayaa dhanka kale sheegay inaanay iyagu beegsan doonin kuwa nabadgelyada ku joogga deegaanadooda, isla-markaana aan dhaqaalaha siinin TPLF.

“Nimanka dagaalka ku jira kuwo dagaal ku jiro weeyaan, kuwa nabadgelyada ku joogga ee cidna biilin, kuwaas kuma jiraan,” ayuu yiri jananku.

Toddobaadyadii la soo dhaafay ayay ahayd, markii hay’adaha ammaanka ee dalka Itoobiya ay Magaalada Addis Ababa ku xirxireen xubno lagu tuhmay inay gacansaar la leeyihiin TPLF.