Taliban oo shuruud adag ku xirtay nabadda Afghanistan

Kabul (Caasimada Online) – Ururka Taalibaan ayaa sheegay iney dooneyn talada dalka Afghanistan iney xoog ku marookistaan, waxayna carrabka ku dhufteen iney marnaba suuragalayn nabad dalkaasi ka hanaqaado ilaa dowlad ku meel gaar ah la dhiso madaxweyne Ashraf Ghani-na xilka laga qaado.

Afhayeenka Ururka Taalibaan Suhail Shaheen oo wakaaladda wararka ee AP wareysi siiyey ayaa sharraxaad ka bixiyey mowqifka ururka Taalibaan ee ku aaddan mustaqbalka dalka Afghanistan.

Suhail Shaheen ayaa sida oo kale ka mid ahaa ergooyinka ururka Taalibaan ka socda oo waddama badan wadaxaajoodyo ka dhacay ururka Taalibaan ku matalay.

Kaddib marki ay ciidamada Mareykanka iyo kuwa xulafada NATO ay billaabeen iney dalka Afghanistaan ka baxaan ururka Taalibaan ayaa gacanta ku dhagay qayba badan oo dalkaasi ka mid ah.

Mark Miller oo ah sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Mareykanka oo ka hadlay war-saxaafadeed lagu qabtay Pentagon wuxuu sheegay Ururka Taalibaan inuu leeyahay bartilmaameed uu ku socdo.

General Mark Milley ma uusan inkirin Taalibaan inuu awood u lahaa Afghanistan oo dhan inuu la wareego xataa inti ay ciidamadoodu dalkaasi howlgalka ku joogeen.

“Wadahadallo kaddib Kabul marka laga dhiso dowlad ay dhinacyada oo dhan raalli ku wada yihiin, Dowladda Ashraf Ghani-na meesha ay ka baxdo markaas ayuu Ururka Taalibaan Hubka dhigayaa” ayuu yiri Suhail Shaheen oo u warramay wakaaladda wararka ee AP.

“Waxaan doonayaa inaan halkan ka caddeeyo inaanan dooneyn inaan talada dalka Afghanistan xoog ku qabsanno sababta oo ah dowladaha waxay marar badan isku dayeen in awoodda dalka la qaybsado balse dadaalladoodi hal bacaad lagu lisay ay noqdeen.”

Suhail Shaheen wuxuu sida oo kale uu soo hadal qaaday dowladihi fashilmay uu Taalibaan maamulayey. Wuxuuna caddeeyey inuu ururkiisa dooneyn inuu markale uu qaato qaacidadii khaldaneyd uu horay ugu soo fashilmay.

Balse ururka Taalibaan wuxuu markale caddeeyey in arrinta Madaxweyne Ashraf Ghani aan wax tanaasul ah laga sameyneynin.

Talaadadi khudbad uu Madaxweyne Ashraf Ghani uu ka jeediyey munaasabadda Bakrid wuxuu ku weeraray ururka Taalibaan. Ururka Talibaan oo hadalka Ghani ka jawaabayana waxay Ashraf Ghani ku tilmaameen nin dagaalka ka ganacsada.

Suhail Shaheen wuxuu sheegay madaxweyne Ashraf Ghani inuu farahiisa ka baxay xuquuqdi uu u lahaa inuu dalka Afghanistan uu hoggaamiyo. Waxayna Taalibaan madaxweyne Ghani ku eedeeyeen doorashadi 2019-ka inuu hab musuqmaasuq ah uu ugu guuleystay.