Jidadka Muqdisho oo dhibaato xoog leh lagu qabo iyo isbaarooyin dadban oo la bilaabay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weli wada howlgal ay ku kala xireen isku socodka Waddooyinka ugu mashquulka badan ee magaalada Muqdisho oo kala ah Wadnaha iyo Makka Al-mukarrama .

Waxaa joogto noqday in gaadiidka ku sugan Jidka Wadnaha loo diido inay u soo gudbaan ama u soo tallaabaan dhinaca Maka Almukarama, waxaana gaadiidka lagu celinayaa isgoysyada Sanca, Jardiinka, Xararyaale, Howlwadaag, Sheekh Cali Suufi ilaa Trebuunka, taasoo keentay inay magaaladu noqoto laba qeybood.

Gaadiidka iyo Mooto Bajaajka ayaa ku qasban inay sameysteen bar kala wareeg ah oo ay dadka kula kala wareegaan, waxaana soo kordhay in ciidamada ilaalada ka ah isgoysyadaasi ayay mararka qaarkood gaadiidka lacago ka qaataan si ay ugu ogolaadaan inay u gudbaan wadadda Maka Almukarama.

Dhibaatada ka taagan xeritaanka Wadooyinka Muqdisho oo joogto noqotay ayaa hadda yeelatay muuqaal kale oo ah magaalo laba qeybsan oo khad cagaaran yeelatay iyo musuq ay ciidamada ku kacayaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com