Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Kenya oo si kulul uga hadlay fara gelinta Imaaraatku ay ku hayaan Soomaaliya

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hoggaamiayaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Dalka Kenya Xildhibaan Barre Ducaale ayaa si kulul u cambaareeyey fara gelinta Dowladda Imaaraatku ku hayso arrimaha Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku yiri “Dowladda Imaaraatka Carabta waxaa waajib ku ah in dhowrto madax bannaanida shacabka Soomaaliyeed, kana fogaato in ay curyaamiso shaqada hay’adaha Dowladda.”

Sidoo kale Xildhibaan Barre Ducaale waxa uu ugu baaqay dalalka Ururu Goboleedka IGAD in ay isugu yimaadaan kulan deg deg ah oo ku saabsan xal u helista khilaafka ka jira Baarlamaanka Soomaaliyeed.

“Waddamada IGAD waa inay isugu yimaadaan kulan degdeg ah oo ku saabsan xallinta khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Baarlamaanka, si loo ilaaliyo guulaha laga gaarey dhinacyada ammaanka iyo xasilloonida, inta uu Madaxweyne Farmaajo talada hayey.”

Dad badan oo ka fallooda arrimaha siyaasadda ayaa ku fasiray hadalka Hoggaamiyaha Aqlabbiyadda Baarlamaanka Kenya mid muujinaya tuhunka laga qabo kaalinta ay Imaaraatka Carabta ay ku leeyihiin qalalaasaha haatan ka dhex jira Baarlamaanka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com