Wararkii ugu dambeeyay dadaalada lagu xalinayo khilaafka Baarlamaanka iyo labada dhinac oo guddiyo magacaabay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Saacadihii ugu dambeeyay ayaa kulamo waxay ka soconayeen magaalada muqdisho, gaar ahaan Madaxtooyada Soomaaliya, kulamadaasi ayaa ahaa kuwoo xal loogu raadinayay xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay Mooshinkii ka dhanka ahaa Gudoomiye Jawaari.

Ilo wareedyo lagu kal soonyahay ayaa sheegay in Guddoomiye Jawaari uu soo magacaabay Guddi ka kooban 7 xubnood, oo la kulmi doona guddi kale oo dhanka Guddoomiye ku xigeenka 1aad iyo Xildhibaanada mooshinka wada ka imaanaya, si ay xal ugu raadiyaan xiisada siyaasadeed ee taagan.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in kulan deg deg ah ay ku yeelanayaan Villa Hargeysa gudi ka kooban 14 xubnood oo ka kala yimaanaya labada dhinac ee kala ah dhinaca Mooshinka wada iyo dhinaca ka soo horjeeda.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in xubnaha Guddiga 7-da xubnood ee Jawaari uu magacaabay ay la kulmi doonaan Madaxweynaha, si ay uga arrinsadaan xal u helida arrimaha taagan iyo sidii sharciga loogu kala bixi lahaa.

Wakiilada Beesha Caalamka ee fadhigooda yahay Xalane ayaa walaac ka muujiyay khilaafka taagan in loo adeegsado xoog iyo awood maquunin baal marsan xeer hoosaadka iyo dastuurka, waxaana xiriiro ay la soo sameeyeen Madaxda u soo jeediyeen in khilaafka lagu xaliyo dastuurka ama wado kale oo isu tanaasul ah.

Dadaalada socda ayaa ka duwan kuwii hore ee fashilmay, waxaana ay u badan tahay in la gaaro xal ku jira tanaasul, maadaama uu khilaafka daba dheeraaday, isla markaana amni ahaan iyo siyaasad ahaan uu saameyn keenay.

Kulamadaan ayaa imaanaya xilli uu cirka isku sii shareeyo khilaafka siyaasadeed ee ka dhax taagan Golaha Shacabka, iyadoo la filayo in kulamadooda ay ka soo baxaan qodobo ay isugu soo dhawaanayaan labada dhinac.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com