Kulan xasaasi ah oo Villa Somalia uga socdo xildhibaano ka socda Jawaari iyo Farmaajo (Akhriso Magacyada)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddi Xildhibaano ah oo ka tirsan garab Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa hada kulan madaxtooyada Soomaaliya kula leh Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ayaa Caasimadda Online u xaqiijiyay in hada kulanka socdo waxaana looga hadlayaa sidii xal loogu heli lahaa khilaafka Baarlamaanka.

Gudigaan ayaa la sheegay in ay ka kooban yihiin 7 xubnood oo ka socda garabka guddoomiye Jawaari Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la kulmi doono guddi kale oo ka socda dhinaca Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabdi wali shiikh Ibraahim Muudey.

Guddiga uu Jawaari magacaabay ayaa kala ah

1- Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali

2 – C/raxmaan Beene Beene

3 – Xildhibaan Sacdiyo Salaad

4 -Xildhibaan Fowsiya Sheekh

5- Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil

6 – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla soo socodsiin doonaa

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com