Somaliland oo aqoonsi uga beddeleneysa Ruushka Saldhig ay ka siineyso Saylac

Saylac (Caasamadda Online) – Wargeyska Orientalreview, ayaa daabacay in Dowladda Ruushka ay dooneyso in ay saldhig Ciidan ka dhisayo maagalada Saylac ee Maamulka Somaliland.

Wargeysku waxaa uu sheegay Somaliland ay Saldhigga Saylac ee Ruushka uga beddelenayeso aqoonsi uu siiyo,sidaasna ay ku billaabato Aqoonsiga caalamiga ah ee Somaliland.

Saylac waxaa ay Sohdin la wadaagtaa Dalka Jabuuti,halkaas oo Waddamo badan oo Reer Galbeed iyo Reer Bari ahba ku leeyihiin Saldhigyo Milatari.

Imaaraadku waxaa ay Saldhig Ciidan ka dhisanayaan Berbera laakiin heshiiska kuma jirto Aqoonsiga Somaliland,sidoo kale waxaa ay heystaan Jasiiradda Sooqadara iyo Dekadda Magaalada Cadan ee Koofurta Yemen.

Hab Maamulka Somaliland waa is maamul aan cidna ku tiirsaneyn,waxaana ay u egyihiin sida Koofurta Yemen oo kale,waxaa ay galaan heshiisyo u gaar ah,waxaana ay ka xasilloonyihiin Soomaaliya inteeda kale.

Wasiirka  Arrimaha dibadda Somaliland Sacad Cali Shire ayaa la kulmay Diplomaasi Ruush ah oo lagu magacaabo Yury Kourchakov,waxaana ay ka wada hadleen suurtagalnimada Saldhigga Ruushku ka doonayo magaalada Saylac ee Gobolka Awdal.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in Saldhigga Ruushka ee Saylac ay ka weyn tahay kaliya saldhig Milatari oo uu Ruushku ku yeesho geeska Afrika hayeeshee waxaa uu doonayaa in uu Mareykanka tartan kula galo maamulidda inta badan Geeska Afrika oo ay Waddamada Reer Galbeedka mar hore la wareegeen.

Warbixintu waxaa ay intaas ku dareysaa in sidoo kale Ruushka doonayo in uu Saldhig Milatari ka helo Dalka Suudaan oo Sanadkii hore codsi noocaas ah uu u gudbiyay inkasta oo Khartuum aysan shaacin.

Damaca Ruushka ee Bariga Afrika waxaa kale oo uu uga faa’ideysanayaa xiriirka qotada dheer ee uu la leeyahay Itoobiya,taas oo Jabuuti kala heshiisay dhisamaha Waddo Tareen oo Sanadkii hore xarigga laga jaray iskuna xirta Labada dal.

Isha Warkan: Orientalreview.

Mustaqbal Radio

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com