Jilaa qaba gabar Somali ah oo laga helay Coronavirus

London (Caasimada Online) – Jilaaga caanka ah ee Idris Akuna Elba ayaa xaqiijiyey in laga helay cudurka Coronavirus, kadib baaritaan lagu sameeyey.

Elba oo u dhashay dalka Britain ayaa muuqaal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka kaga hadlay xaaladdiisa caafimaad, wuxuun sheegay inuu wanaagsan yahay, balse la karantiilay.

Muqaalkaan ayuu sidoo kale ku sheegay in la joogo xilligii laga fikiri lahaa in laga fogaado goobaha ay bulshada isugu yimaadaan.

“Waan is karantiilay, si deg deg ah ayaan isku baaray waxaan maanta helay natiijada.. waa xaalad halis ah hadda waxaa la joogaa xilliggii laga fikiri lahaa in laga fogaado goobaha bulshada isugu yimaadaan iyo in gacmaha la dhaqdo.” ayuu yri Idris Akuna Elba.

Jilaagaan oo si weyn looga yaqaano dunida, islamarkaana ay u dhaxdo gabar Soomaaliyeed oo la yiraahdo, Sabriina Dhawre ayaa cudurka wuxuu haleelay, kadib markii Jimcihii la soo dhaafay uu la kulmay qof horay loogu arkay cudurka dilaaga ah ee Corona.

Sidoo kale Idris Elba ayaa ka dhawaajiyay in xaaskiisa Sabriina aan weli laga baarin cudurka, balse wuxuu carabka ku dhuftay in xaaladdoodu ay wanaagsan tahay.

Ugu dambeyn wuxuu taageerayaashiisa ka dalbaday inay muujiyaan feejignaan dheeri ah oo ku aadan cudurkaan ku sii faafaya caalamka ee Coronavirus.

“Haddii aad dareento xannuun ama ay kula tahay in aad is baarto, marka waa in aad wax iska qabataa.” ayuu markale yiri Jilaaga.

Coronavirus ayaa markiisii hore ka soo bilowday dalka Shiinaha, balse wuxuuna haatan gaaray dalal badan oo caalamka ku yaalla, iyadoona shalay kiiskii ugu horreeyey Soomaaliya ay xaqiijisay xukuumadda federaalka, gaar ahaan wasaaradeeda caafimaadka.