DF oo ku gacan seertay BAAQII beesha caalamka, ciidan cusubna geysay Gedo

Beled Xaawo (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata inay ku gacan seertay cadaadiska ay beesha caalamka ku saartay inay qaboojiso xiisadda dagaal ee ka taagan gobolka Gedo, oo horey dagaal uu uga dhacay.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ay gobolka gaareen diyaarado sida hub iyo ciidamo dheeraad ah, kuwaasoo xoojin u ah kuwii horay loo geeyay.

Ciidankan iyo hubkan ayaa badankood la geeyey degmooyinka Doolow iyo Beled-Xaawo, oo labadii bishan March ay ku dagaalameen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubaland ee uu hogaamiyo Cabdirashiid Janan, waxaana dhowr diyaaradood ay ka dageen degmada Beledxaawo iyo Doolow.

Tallaabadan ayaa imaneysa ayada oo madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ay horey u ballan-qaadeen in xiisadda la qaboojiyo, islamarkaana ay labadooda ku kulmaan magaalada Nairobi, si xal buuxa loo gaaro.

Hase yeeshee kulankaas ayaa loo baajiyey sababo lagu sheegay faafitaanka cudurka Coronavirus, inkasta oo Caasimada Online ay heshay xog ku saabsan in baajinta kulanka ay horseeday is-aaminaad la’aan, oo aysan shaqo ku lahayn Coronavirus, taasi oo sharxeysa ciidanka cusub ee dowladda ay gaysay gobolka Gedo.

Degmada Beledxaawo ayaa durba laga dareemayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo xoojinta difaacyada ciidanka leeyihiin, ayada oo laga cabsi qabo inuu mar kale dagaal ka dhaco Beledxaawo iyo agagaarka xudduudka Kenya oo ay ku sugan yihiin ciidamada Jubaland ee uu hoggaaminayo C/rashiid Janan.

Dhinaca kale, wararka ayaa intaas ku daraya in Kaaliyaha Taliyaha NISA C/llaahi Kulane uu Axaddii gaaray degmada Beledxaawo, isaga iyo Ciidamo si aad ah u hubeysan. Kulane oo ku beel ah Madaxweyne Farmaajo ayaa ah ninka u qaabilsan howsha Gobolka Gedo.