Wasiir ka tirsan xukumada Khayre oo dalab xasaasi ah hordhigay madaxweyne Deni

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka Badda ee xukuumadda Xasan Cali Khayre oo khudbad ka jeedinayey shirweynaha ka socda Garoowe ayaa dalab xasaasi ah hordhigay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Cabdullaahi Bidhaan Warsame oo ka mid ah wasiirada dowladda federaalka ee ka qeyb galaya shirweynahaasi ayaa ka dalbaday Deni inuu gogol u dhigo madaxa dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, si looga wadahadlyo khilaafaadka ka jira.

“Waxaan rajo ka qabaa in Khilaafka uu meesha ka bixi doono, waxaana ku han weynahay in shirkani uu wax walba soo afjaro,waxaana ka codsanayaa Madaxweyne Deni in uu casuumo Madaxda soomaalida si ay uga wada hadlaan khilaafka dhexdooda ah ayuu yiri.” ayuu yiri wasiir Cabdullaahi Bidhaan Warsame.

Sidoo kale wasiir Bidhaan ayaa ka codsaday madaxweynaha Puntland inuu u soo raaco magaalada Muqdisho, si heshiis dhab ah looga gaaro khilaafka labada dhinac.

“Waxaan kaloo rajeynayanaa in markaan uu madaxweynaha na sii raaco oo Xamar yimaado.” ayuu markale yiri wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka Badda.

Ugu dambeyn wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyey in wax dan u ah dhammaan Soomaalida uu ka soo bixi doono xiritaanka shirka Garoowe.

“Shirkaan Garoowe waxa uu gogol xaar u yahay in lawada hadlo, waxa aan ku rajo waynahay in Soomaalida is doonto si ay kaga hadlaan aayahooda, Puntland waxa ay ku dhiiratay qabashada shirkaan, la’aanta Puntland waxa ay adkaan lahayd in nidaam Soomaaliyeed la dhiso ama uu shaqeeyo.” ayuu hadalka ku soo gabagabeeyey wasiirka.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo halkiisa weli uu yahay khilaafka dowladda federaalka iyo Puntland, kaas oo markale sii xoogeystay, kadib markii wasaaradda waxbarashada Somalia ay shahaadada u diiday ardayda dugsiyada sare ee maamulkaasi.