SOMALILAND oo joojisay duulimaadyada Muqdisho

Hargeysa (Caasimadda Online) – Guddiga udiyaar garowga iyo ka hortaga cudurka Coronavirus ee uu dhawaan Magacaabey Madaxweynaha Somaliland ayaa waxay soo saareen qodobo xasaasi ah oo looga hortagayo faafintaanka Cudurka Coronavirus oo dhibaato xoog leh ku hayo adduunyada.

Guddiga oo soo saaray illaa 6 go’aan, ayaa waxaa lagu mamnuucay duulimaadyadii Caalamiga ahaa ee soo gaari jiray Hargeysa, iyadoo liiska wadamada la mamnuucay lagu soo daray Soomaaliya maadaama Somaliland ay sheegtay inay ka go’day.

Go’aanka Guddiga ayaa lagu sheegay in la joojiyey duulimaadyada ama socaalka dalalka laga helay Cudurka Coronavirus, kuwaas oo kala ah, Kenya, Soomaaliya, Shiinaha, Talyaaniga, labada kuuriya, Faransiiska Spain, iyo Kenya laga bilaabi Maalinta berito ah oo ku beegan 19/3/2020.

Sidoo kale go’aanada ayaa waxaa qeyb ka ahaa in goobaha waxbarashada la xiro muddo Afar Todobaad ah, in Masaajida ay waqtiga salaada kusoo koobaan 25 Daqiiqo, in la joojiyo kulamada isu imaatinka ah, in qodobo kale.

Halkaan hoose ka akhriso dhammaan go’aanada kasoo baxay guddiga