John Kerry oo kashifay laba dowlad oo mar kasta Mareykanka ku cadaadin jiray  in la weeraro Iran

Washington (Caasimadda Online) – Dowladda Mareykanka ayaa dhawr jeer oo hore qarka u fuushay inay ku duusho dalka Iiraan ka hor inta aan laga gaarin wax heshiis ah Hubka Nuclearka ah oo lagu tuhunsanaa inay  sameysatay dalka Iiraan

Haddaba Xoghayihii hore ee Arrimaha dibadda Mareykanka John Kerry ayaa markii ugu horeysay banaanka soo dhigay dowladihii mar kasta ku cadaadin jiray dalka Mareykanka inuu weeraro Iiiraan.

John Kerry ayaa sheegay in Masar iyo israel ay Mareykanka ku caadin jireen in uu bur buriyo Iraan ka hor heshiiskii Nuclearka ee 2015kii.

Kerry waxaa uu sheegay in Benjamin Netanyahu oo ah Ra’isalwasaaraha Israel uu Mareykanka si aad ah ugu adkeynayay in heshiiskaas ka hor la galo Iraan islamarkaana la bur buriyo.

Hayeeshee Mareykanka ayaa iska diiday arrintaas waxaana uu xusay in Waddamada Caalamka oo xal heli kara aysan Mareykanka diyaar u ahayn in ay dagaal kale ka galaan Gobolka sidaasna ku baaqatay qorshihii Israel iyo Masar ee Iraan.

Kerry ayaa hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay in uusan ogeyn in Iraan ay dib u billaabi karto barnaamijka Nuclear-ka ah horumarintiisa 10-15ka sano ee soo socda hayeeshee Heshiiskii ugu mihiimsanaa ee uu Mareykanka galo uu ahaa kii 2015kii Iraan iyo lixda dal ee dunida ugu awoodda badan wada qaateen.

Dowladda Masar iyo dalka Iiraan ayaa waxaa ka dhaxeeyo Khilaaf soo jireen ah, waxaana laga yaabaa inuu hadalka Karry xaaladda kasii daro, maadaama labada dowladood aysan ka dhaxeyn wax xiriir ah.

Labadaan dowladood ayaa markii ugu dambeysay isku fahmi waayey dagaalka lagu qaaday dalka Yeman oo ay hoggaaminayaan dowlado Carbeed iyo Xayiraadii la saaray dalka Qatar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada @live.com