JOHN KERRY OO MUQDISHO KASOO DEGAY !!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka hadda naga soo gaaraya Garoonka Muqdisho ayaa sheegaya in Xog-hayaha arrimaha dibadda dowladda Mareykana John Kerry uu  goor dhow kasoo degay garoonka diyaaradaha magalada Muqdisho ee casimadda dalka Soomaaliya.

Kerry ayaa Muqdisho saacadaha soo socda kula kulmi doono madaxda ugu sareyso dowladda Soomaaliya sida Madaxweynaha dowladda Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul Wasaare Cumar Cabdirashiid.

Sidoo kale waxaa Muqdisho uu Kerry kula kulmayaa madaxda dowlad goboleedyada dalka ka jira waxana Muqdisho ku sugan madaxweynaha  Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Dhinaca Masuuliyiin uu ka mid yahay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in Saacado kadib ay kulamo Xasaasi ay ku wada qaataan Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.

Waxaa aad loo adkeeyay amaanka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaana xiran waddooyinka qaar ee magaalada Muqdisho iyada oo ay ku sugan yihiin ciidamo dowlada ka tirsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com