“Saammeyn naguma yeelan doonto muranka ka taagan kala dhantaalka MUDUG” sidaa waxa yiri..

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Gobolka Mudug qeybta Galmudug, Aweys Cali Saciid oo la hadlaayay warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegay in ka maamul ahaan uusan saameyn ku yeelan doonin muranka ka taagan kala qeybinta gobolka Mudug.

Waxa uu sheegay in ka maamul ahaan ay waafaqsan yihiin Dastuurka dalka, taasina ay xoriyad u siineyso in bulshada ku hoos nool maamulka ay ku noolaadan nolol wanaagsan oo aan caburin laheyn.

Waxa uu tilmaamay in wada shaqeynta iyo xiriirka wada noolaansho ee ka dhaxeeya Waqooyiga iyo Koofurta Mudug uusan wax u dhimi doonin kala aragti duwanaanta heshiiskii Garoowe.

Isagoo arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Dadkaan waa dad wada dhashay, oo wax badan uu ka dhaxeeyo, waxaan halkaani ka sheegayaa in aysan jirin wax xiisad ah oo keeni kara in labada dhinaca ee Puntland iyo Galmudug ay isku dhacaan”

Hadalka Gudoomiyaha ayaa imaanaya iyadoo toddobaadkaan ay soctay cambaareyn laga muujinaayo heshiiskii Dowladda iyo Maamul goboleedyada ay ku gaareen Magaalada Garoowe, kaasi oo qodob ka mid ah uu dhigayay in Mudug labo loo kala qeybiyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com