Hogaamiyayaasha maamul goboleedyada dalka oo loo diiday inay ku hormaraan kullanka KERRY

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegaya in Hogaamiyayaasha Maamul Goboleedyada dalka laga hor istaagay inay ku hormaraan la kulanka Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka John Kerry.

Wararku waxa ay sheegayaan in mar ka hore uu kulan xog uruurin ah la qaatay Madxaweyne Xassan iyo Ra’isul wasaare Cumar, kadibna uu kulan la qaatay xubnaha Beesha caalamka ka jooga Magaalada Muqdisho, si uu Kerry uga wareysto waxa ay arkeen inta ay ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho.

Ilaalada gaarka ah ee John Kerry iyo kuwa nabad ilaalinta AMISOM ayaa ka biya diiday in Hogaamiyayaasha Gobolada dalka ay kulan gaar ah la qaatan Xoghayaha kadib markii ay isku dayeen inay la kulmaan, iyadoo ay sugayaan Xubno heer caalami ah oo daneynaayay la kulanka Kerry.

Kerry oo aan heysan wakhti ku filan ayaa waxaa la tilmaamayaa inuu dalbaday in marka hore uu qaabilo Xassan Sheekh iyo Ra’isul wasaaraha, kadibna uu la kulmo xubnaha Beesha Caalamka ka joogo Somalia, iyadoona marka ugu dambeysa uu si wada jir ah u qaabilo doono Madaxda DF iyo Hogaamiyayaasha oo wada dhan.

Kerry ayaa isagu doonaayo in Hogaamiyayaasha uu kala hadlo taabagalinta Siyaasada dalka iyo inay ka hoos shaqeeyaan DF Somalia una hogaansamaan awaamirta Madaxda si meesha looga saaro Khilaafyada inta badan ka dhex curta DF.

Lama oga natiijada kasoo bixi doonto Kulamada u dhexeeya Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka John Kerry, balse waxaa goordhow la filayaa in laga soo saaro qodobo.

Dib kala soco wixii kasoo baxa kulamada

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com