Sawirro: Puntland oo gaadiid dagaal geysay Sool & xiisad dagaal oo ka taagan halkaas (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo uu hogaaminaayay Wasiirka Amniga Maamulka Puntland, ayaa kusii qulqulaaya deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Ciidamadaasi ayaa la sheegayaa inay ka hortagayaan Ciidamo kale oo ka socday Maamulka Somaliland oo la sheegay inay awood kusoo galeen Deegaanka Tukaraq.

Ciidamada Somaliland ayaa saqbarkii xalay halkaasi kusoo galay gaadiid dagaal oo kor u dhaafaya ilaa 6 kuwaasi oo ay la socdeen Ciidamo aad u gaashaaman, balse waxaa ka hortag ku sameeyay kuwa Puntland oo halkaasi iyaguna gaaray.

Gudoomiyaha Gobolka Sool ayaa sheegay in xaalada Tukoraq ay tahay mid wanagsan ayna kusoo dhaweeyeen Wasiirka Amaanka Puntland iyo Ciidanka Puntland.

Waxa uu tilmaamay inay suuragal tahay in deegaanka uu ka dhaco Dagaal hadii mar kale ay Ciidamada Somaliland kusoo laabtaan Deegaanka.

Dhanka kale, waxa uu sheegay in Maamulka Somaliland uu ka shaqeynaayo xiisad ka dhalata Deegaanada Gobolka Sool, balse hadii la soo weeraro ay jawaab ka bixin doonaan, sida uu hadalka u dhigay

HOOS KA DAAWO SAWIRADA
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16

17

18

19