Maxaa kasoo baxay Kulamadii u dhexeeya JOHN KERRY iyo madaxda Soomaalida ee Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Booqashadii wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka John Kerry ee Muqdisho ayaa soo gabagabowday kadib markii uu kulamo kala gaara la yeeshay madaxda dowladda federaalka iyo hogaamiyeyaasha maamulada gobolada dalka oo Muqdisho u yimid kulankaasi.

Socdaalka John Kerry ee Muqdisho oo qaatay muddo 2 saacadood ah ayaa markii hore kulan gaara la yeeshay Madaxwexynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal wasaarihiisa Cumar C/rashiid, waxaana kulankaasi looga hadlay howlaha dowladda u yaala hiigsiga cusub ee 2016, taageeradad dowladda Mareykanku siineyso Soomaaliya iyo arrimo kale.

kerry-hassanMarkii uu kulankaasi dhammaaday waxaa wafdiga John Kerry kulan kale uu la qaatay madaxweynayaasha maamulada dalka sida C/weli Gaas, Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan, isagoo kala hadlay xaalada maamuladooda iyo sida hiigsiga cusub  loo hirgelin laha, waxaana kulankan sidoo kale goobjoog ka ahaa wasiiro ka tirsan dowladda Federaalka.

Kullankaasi oo aan qorshaha ku jirin, ayaa waxaa Kerry ka codsaday madaxweyne Xasan Sheekh kadib markii Gaas, Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan ay ayaga oo aan la casuumin Muqdisho iska xaadiriyeen.

John Kerry iyo wafdigiisa ayaa ka duulay garoonka diyaaradaha Muqdisho iyagoo ku sii jeeda dalka Jabuuti, waxaana la sheegay in kulamadii lala yeeshay wafdigiisa ay madaxtooyada faahfaahin ka bixin doonto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com