Gaas oo Muqdisho yimid iyo shir 5 geesood oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha maamulka Puntland ayaa kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho oo ay ku sugan yihiin xubno madaxweynayaal ah.

Garoonka waxaa sidoo kale ku sugan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, madaxeynaha Puntland C/welli Gaas, madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Ujeedada socdaalkooda ayaa ah iney Muqdisho gaar ahaan garoonka diyaaradaha kaga qeyb galaan shir shan geesood ah oo afartooda ay la yeelanayaan xog hayaha arimaha dibada Mareykanka John Kerry.

Waxaa la sugayaa safarka uu John Kerry ku imaanayo maanta muddo 25 sano kadib markii wasiir kaasi oo kale uu yimid magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Wafdiga madaxweynaha Puntland waxaa Muqdisho kaga soo horeeyay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan Sheikh Aadan oo maalmahaan Muqdisho ku sugnaa.

Waxaa shirka shan geesoodka ah looga hadlayaa xaaladaha guud ee dalka Soomaaliya iyo qorshaha Mareykanka ee dalka Soomaaliya iyo doorashada la filayo in Soomaaliya ay ka dhacdo dalka.

La soco waxii kusoo Kordhaa Insha allah.

Caasimada Online
xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com