Dhageyso beesha Habargidir: Puntland waa laga bad-badiyay ee DFS dadka dhinac ha uga darto

Muqdisho (Caasimada Online) – Imaamka beesha Habargidir ayaa ka hadlay qaar kamid ah qodobadii kasoo baxay shirkii dhawaan kusoo dhamaaday magaalada Garoowe ee maamulka Puntland.

Isagoo wareysi siinayay Idaacada Risaala ee magaalada Muqdisho ayuu dhaliil iyo caro kala dul dhacay qodobka dhigaya in lakala qeybiyo gobolka Mudug iyo qodobka ah in dad kasoo jeeda Puntland aysan maamulka gobolada dhexe ka qeyb gali karin.

Wuxuu sheegay in gumeysi dad badan uu wado madaxweynaha maamulka Puntland islamarkaana Xasan Sheikh Maxamuud mar walbaa uu qanciyo maamulka Puntland, sida uu sheegay.

“Ma aqbaleyno maamulkeyga ayaa dhisan mid kalana lama dhiso karo, suurto galna ma ahan in waxgaradka Waqooyiga Mudug loo diido iney siyaasiyiin ka noqdaan maamulka Gobolada dhexe”ayuu yiri Imaamka.

Wuxuu sidoo kale sheegay in marnaba aysan aqbaleynin in lala kala qeybiyo gobolka Mudug, taasina ay ka hor imaaneyso dastuurka dowlada Federaalka Soomaaliya ay ku dhaqanto.

Hoos ka dhageyso

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com