“3-da kun ee askari ee Xasan Sheikh uu Puntland u ogolaaday, annagaa nalagu soo weerarayaa”!!!

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiir arimaha gudaha maamulka Somaliland Cali Maxamed Warancade, oo saxaafada kula hadlay magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland ayaa ka hadlay shirkii dhawaan dowlada Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka.

Wasiir Warancadde, ayaa si adag uga horyimid qododka dhigaya in ciidamo gaaraya 3 kun oo askari loo tababaro maamulka Puntland, isagoo sheegay in ujeedada laga leeyahay ciidamadaasi ay tahay in lagu burburiyo maamulka Somaliland.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayuu sheegay in ujeedada ciidamadaasi ka leedahay ay tahay in lagu weeraro maamulka Somaliland, laakiin dhankooda ay iska difaacayaan.

Wasiirka arimaha gudaha Somaliland ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay ku dacweeyeen dowladaha Ethiopia iyo Ingiriiska sidii wax looga qorshaha ay damacsan tahay dowlada Federaalka.

Hishiiskii magaalada Garoowe ayaa dhigaya in ciidamo ka socda maamulka Puntland loo tababaro 3 kun oo askari kuwaasi oo dhaqaalaha ku baxaya ay bixineyso dowlada federaalka Soomaaliya.

Waxaa hishiiskaasi dhaliilay dad badan oo ay qeyb ka yihiin musharixiinta gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Somaliland
Caasimada@live.com