Xog: Loolanka shirka Cadaado ee DF Soomaaliya iyo Qeybdiid + Qorshaha go’doominta QEYBDIID

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xoog leh ugu jirta sidii ay u go’doomin lahayd madaxweynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo si weyn uga hor yimid qorshiha dowladda ee shirka maamul u sameynta Goboladda dhexe isla markaana taageero ka heysta odayaal dhaqan iyo saxiixayaasha.

Laba ka mida saxiixayaashii maamulada Goboladda Dhexe oo kala ah madaxweynaha Ximan & Xeeb iyo Ahlu Sunna Waljameeca ayaa dowladda Federaalka ugu yeeratay Muqdisho waxaana waanwaan hoose oo socota la sheegay in lagu qancinayo la shaqeynta dowladda iyo qorshaha maamulka loo dhisayo gobolada dhexe, waxaana hore u soo baxayay warar ka hadlaya in madaxweynaha Ximan iyo Xeeb C/llaahi Maxmed Baarleex afgarad dhex maray dowladda Federaalka.

Kulamada Muqdisho uga socda saxiixayaasha oo Cabdi Qeybdiid ka maqan yahay iyo dowladda federaalka ayaa ujeedkoodu yahay in lagu go’doomiyo madaxweynaha Galmudug oo dowladda federaalka caqabad weyn ku haya, waxaana weli socda xareynta ergooyinka shirka oo Cabdi Qeybdiid iyo kooxaha taageersan ay ku eedeeyeen inay yihiin odayaal Muqdisho laga keenay oo aan sax ahayn.

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Federaalka C/raxmaan Odowaa ayaa dhowaan sheegay inuusan Cabdi Qeydbiid kala diri karin guddiga farsamada ayna socoto howshii guddigaasi. Cabdi Qeybdiid oo hore lagu waday in lagu qanciyo taliye ciidan oo dowladda federaalka laga siiyo ayaa hadda u muuqda inuu sii ahaan doono caqabad hor taalla qorshaha dowladda Federaalka ee shirka Cadaado iyo musharaxeeda C/kariin Xuseen Guuleed.

Isha: goobjooge