Jubaland oo DF usoo dirtay baaq ku aadan duqeymaha ciidamada Kenya ee Gedo

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubaland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa si rasmi ah uga hadlay duqeymaha ay Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ka geysteen qeybo kamid ah Gobolka Gedo.

Kulankii Golaha Amniga Jubaland kaas oo bishiiba mar qabsooma oo uu shir guddoominayey madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa lagu cambaareeyey duqeymaha ay ciidamada Kenya ka geysteen degaanka Ceelcade iyo degaanno hoostaga  Degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Jubaland ayaa Dowladda Soomaaliya ugu baaqday inay baaritaan dhab ah ku sameyso duqeymaha ay Ciidamada Kenya u geysteen dad shacab ah taasoo ay ku tilmaamtay wax aan loo dulqaadan karin.

Sidoo kale waxaa kulanka diiradda lagu saaray qodobo kala duwan oo ay ka mid yihiin Xoojinta la dagaallanka Al-Shabaab, Xoreynta Gobolka Jubada dhexe iyo deegaanada kale ee ka maqan gacanta Jubaland  iyo u diyaar garowga sugidda Amniga doorashooyinka dalka  qeybta kaga aaddan Jubaland.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda ee qaybta ka ah golaha Amniga, Saraakiisha kala duwan ee Ciidanka Jubaland, kuwa Xooga Dalka iyo  ciidamada qaybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM.

Wasaaradda arrimaha dibadda dowladda federaalka Soomaaliya oo dhawan soo saartay war-saxaafadeed ayaa si adag ugu cambaareysay duqeymo maalmihii lasoo dhaafay ay diyaaradaha dagaalka Kenya ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

“Weerarkii cirka ee aan loo aabbo yeelin ee ka dhacay Ceel Cadde iyo Hisa-u-gur oo ka tirsan gobolka Gedo, Jubaland State, 3-dii Juun 2021, waa tusaalaha ugu dambeeyay ee hawlgallada Ciidanka Difaaca Kenya (KDF) ee keenay dhimashada iyo naafaynta dad rayid ah, oo ay ku jiraan haween iyo carruur oo si isa soo taraysa u noqdaya astaan ​​aan fiicnayn oo ah hannaanka hawlgalka ee ciidamada cirka ee Kenya,” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka wasaaradda Arrimaha gudaha.

Waxay sidoo kale wasaaradda tiri “Hawlgalladaan KDF ee lagu soo koobay sheegashada fulinta hawlgallada ka dhanka ah xagjirnimada shaki la’aan ayaa loo qabtay qaab ka baxsan waajibaadkooda hoos yimaada waajibaadka UNSC ee amarka AMISOM, gaar ahaan OP17 oo hoosta ka xarriiqaya muhiimadda ay leedahay in ciidamada AMISOM ay gutaan waajibaadkooda iyagoo si buuxda ugu hoggaansamaya dowladaha ka qayb qaadanaya. waajibaadka saaran sharciga caalamiga ah, oo ay ku jiraan ilaalinta dadka rayidka ah, gaar ahaan haweenka iyo carruurta.”