Jubaland oo digniin kasoo saartay arrin halis badan oo ka socota…

Kismaayo (Caasimada Online) – Baarlamaanka maamulka Jubbaland ayaa digniino culus kasoo saaray xaalufinta dhirta, kadib kulan aan caadi aheyn oo ay ku yeesheen magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Baarlamaanku waxa uu ku goodiyay in tallaabo cad laga qaadi doono dadka xaalufka ku haya dhirta, gaar ahaan ganacsatada yar yar ee ku shaqeysata howlahaasi.

Cabdi Baaleey Xuseen oo ah Gudoomiye ku-xigeenka 2-aad ee baarlamanka Jubaland, ayaa sheegay in baarlamaanka uu il gaara ku heyn doono shaqsiyaadka caadeystay xaalufinta dhirta, waxa uuna cod dheer ku sheegay in wixii ka dhashay xaalufintaasi ay dusha saaran doonaan shaqsiyaadka faraha kula jira arrimahaasi.

Cabdi Baaleey Xuseen, waxa uu sheegay in dhirta deegaanada Jubbaland ay aad usii yaraaneys, waxa uuna sabab ka dhigay la xisaabtan la’aanta kuwa caadeystay gusharashada dhirta.

Cabdi Baaleey Xuseen, waxa uu sidoo kale sheegay in deegaanada Jubaland uu ka jiro xaaluf lagu hayo dhirta, waxayna sheegeen in arintaasi ay saameyn ku yeelaneeyso deegaanka, dadka iyo duunyada intuba.

Waxa uu sheegay in Baarlamaanka uusan indhaha ka fiirsan doonin dhibaatada ay dadka ku hayaan dhirta waxa uuna wacad ku maray inay qaadi doonaan talaabo adag.

Haddalka Gudoomiye ku-xigeenka 2-aad ee baarlamanka Jubaland iyo Xildhibaanada ayaa imaanaya iyadoo dadka ku hoos nool maamulka ay ka cabanayaan gabaabsiga dhirta.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com