Maxaa kusoo kordhay Dagaalka u dhexeeya Ciidamada Galmudug iyo Puntland

Gaalkacyo (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa dagaal u dhexeeya ciidamada Puntland iyo Galmudug kaasi oo ka dhacay Galbeedka Magaalada Gaalkacyo.

Dagaalka ayaa waxaa la sheegay in markiisa hore uu ka bilowday weerar ay ciidamada Galmudug ku qaaden gaari ay la socdeen ciidamada Puntland waxaana sidaa ku bilowday dagaalka.

Dagaalka oo hadda qaboobay ayaa waxa uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray.

Saraakiisha Isbitaalada Waqooyiga Gaalkacyo ayaa xaqiijiyay in caawa ay qabteen dhaawaca 4 kamid ah ciidamada ay dirirtu u dhaxeyso.

Saraakiishu waxa ay sidoo kale sheegen in lasoo gaarsiiyay meydadka ilaa 5 ruux oo ay u badan yihiin dad shacab ah, kuwaasi oo ay galaafatay rasaasta ay labada dhinac is weydaarsanayeen.

Dadka degan Magaalada Gaalkacyo ayaa ka cabsi qaba in markale Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug ay ku dagaalamaan halkaasi.

Ma jirto wax hadal ah oo kasoo baxay maamulada Galmudug iyo Puntland taa oo ku aadan dagaalka goordhow qaboobay.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com