Puntland oo caawa duqeyn ku heysa deegaanada Galmudug iyo dagaalka oo weli socda

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Waxaa weli socda dagaalka u dhexeeya ciidamada Puntland iyo Galmudug, kaasi oo iminka ka socda Galbeedka Magaalada Gaalkacyo.

Hubka ay labada ciidan isku adeegsanayaan ayaa waxa uu u gudbayaa qeybaha kala duwan ee magaalada Gaalkacyo, waxaana iminka Hubka aadka u culus adeegsanaaya ciidamada maamulka Puntland.

Ciidamada Puntland ayaa Hubka waaweyn caawa ku garaacaya deegaanada xiga dhanka maamulka Galmudug, halka ciidamada Galmudugna ay iska caabin ku sameynayaan dagaalka.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu sii xoogeystay oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan Hubka nuucyadiisa kala duwan, sida ay Caasimada Online u sheegeen dad Goobjoogayaal ah.

Goobjoogayaasha waxa ay sidoo kale sheegayaan in labada dhinac uu soo kala gaaray ciidamo gurmad ah.

Dagaalka socda ayaa waxa uu sidoo kale geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, oo soo kala gaaray labada dhinac iyo sidoo kale dad shacab ah.

Dhaawacyada labada dhinac ayaa waxaa caawa lagu gurayaa gaadiidka raaxada waxaana adag in eeriyada uu dagaalka ka socdo ay gaaran gaadiidka gurmadka caafimaad.

Dagaalkaani hadda socda ayaa burburiyay wada hadaladii u dhaxeeyay Waxgaradka Maamulada Puntland iyo Galmudug, maadaama Dagaalkooda markale uu ka Qarxay Magaalada Gaalkacyo.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay maamulada Puntland iyo Galmudug, kaasi oo ku aadan dagaalka Caawa socda.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com