Doolow (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay Jubbaland ayaa waxaa looga hadlay xaaladda guud ee gobolka Gedo oo indhawaanahan ay ka socdeen dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo u dhexeeyo maamulkaasi iyo dowladda federaalka.
Jubbaland oo maanta qaaday tallaabo la xiriirta gobolka Gedo ayaa iclaamisay shirweyne looga hadlayo xaaladda gobolkaasi, si looga tashado xiisada ka taagan.
Wafdiga Jubbaland ee ku sugan Doolow isla markaana uu horkacayo madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee maamulkaasi ayaa sheegay inay isku raaceen in la qabto shirweynahaasi, iyaga oo tilmaamay in looga arrinsanayo xaaladda soo noq noqotay ee gobolka.
“Waxaa lagama maarmaan noqotay in wafdiga Jubbaland ee gobolka ku sugan ee uu hoggaaminayo Madaxweyne ku xigeenka koobaad ee dowladda Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan in lagama maarmaan ay tahay in la iskuugu yimaado gobolka wadatashi guud oo looga tashanayo xaaladda gobolka Gedo ku sugan yahay taas oo soo noq noqotay” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Sida lagu sheegay qoraalka shirka ayaa 15-ka bisha 4-aad ee sanadkan ka dhacaya degmada Garbahaarey, iyada oo ujeedada lagu sheegay midnimada reer Gedo.
“Sidaa aawgeed wafdiga wuxuu isku raacay in la qabtao shirweyne wadatashi oo looga hortagayo khataraha jiro, laguna gogol xaarayo midnimada iyo nabad ku wada noolaanshaha dadka reer Jubbaland, shirkaas oo loo qorsheeyay inuu ka dhaco magaalada Garbahaarey taariikhdu marka ay tahay 15/04/2025”. ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.
Dhinaca kale Jubbaland ayaa ka hadashay xayiraadda ay dowladdu saartay garoomada gobolka Gedo, iyada oo maamulka hawada ugu baaqday inay furaan garoomadaasi, si loogu adeego shacabka.
“Waxaan ku baaqeynaa in maamulka hawada Soomaaliya ay si deg-deg ah u furaan garoomada, si loogu fuliyo adeegyada bulshada oo uu kamid yahay garoonka degmada Doolow” ayaa lasii raaciyay warqadda.