DF oo soo saartay go’aan ka duwan midkii ay shirkadaha diyaaradaha ku dhowaaqeen

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa meesha ka saartay go’aankii ay shirkadaha diyaaradaha ku sheegeeen in aysan jiri doonin duulimaadyadii gudaha.

Shirkadaha diyaaradaha oo go’aankooda ku saleeyay cabashooyin ay sheegeen inay ka tirsanayaan dowladda, gaar ahaan wasaaradda gaadiidka iyo hay’adda duulista rayidka ayey goordhoweyd waxba kama jiraan ku tilmaamtay dowladda.

“Hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed iyada oo ka duulaysa bedqabka, habsami usocodka duulimaadyada iyo ilaalinta xuquuqda shacabka Soomaaliyeed ee safraya, ayeey waxay u cadaynaysaa shacabka Soomaaliyeed in howlaha safarada gudaha iyo dibadda ay caadigoodii u socon doonaan beri oo ay Taariikhdu ku beegantahay 22/01/2025,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay hay’adda duulista rayidka.

Hay’adda ayaa sheegtay in shirkadaha diyaaradaha ay ku kaceen tacadiyo ka dhan ah rakaabka, kadib marka ay marar badan dhacday in rakaabka lasoo xareeyo iyada oo aysan diyaarad joogin, ayna dhowr jeer dib u dhacyo ku keeneen dadkii safrayay.

Arrintan oo dhibaato badan ku haysay shacabka Soomaaliyeed ee u safraya gudaha dalka ayey sheegtay hay’adda duulista rayidka inay amartay in aan Counter-ka loo furi karin shirkadaha aysan diyaaradaha u joogin.

“Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay diyaar u yihiin inay shirkadaha diyaaradaha ka gacansiiyaan in ay si waafaqsan sharciga u gutaan shaqadooda una adeegaan shacabka,” ayaa lagu yiri bayaanka hay’adda.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran;

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) iyada oo ka duulaysa bedqabka, habsami usocodka duulimaadyada iyo ilaalinta xuquuqda shacabka soomaaliyeed ee safraya, ayeey HDRS waxa ay u cadaynaysaa shacabka Soomaaliyeed in howlaha safarada gudaha iyo dibadda ay caadigoodii u socon doonaan beri oo ay Taariikhdu ku beegantahay 22/01/2025.

Dowlada Federaalka Soomaaliya waxaa markasta waajib ka saaranyahay in ay daboosho baahida shacabka safraya dal iyo dibad.

Hadaba, Hay’addu Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) waxa ay ka digaysaa wararka ay shaqsiyaadka ku faafiyeen baraha bulshada kuwaasoo lagu sheegayo inay safarada gudaha carqalad ku imaan doonto berito 22/01/2025, iyada oo go’aankaasi uu yimid kadib markii ay:

1. HDRS iyo Maamulka Garoonka Aadan Cadde soo saareen amar saameeynaya shirkadaha aan diyaaraduhu ujoogin kuwaas oo marka ay rakaab soo xareeyaan ay kadhalatay tacadi baaxad leh oo sababay cabashooyin xad dhaaf ah (fadlan eeg lifaaqa).

2. HDRS waxa ay baaritaan kusameeysay diyaaradaha gudaha kuwaas oo ay ka heshay arimo saamay ku yeelan kara badqabka rakaabka raacaya ayna Hay’addu ku amartay in aanay duulimaad samayn karin inta dayactir rasmi ah oo sharciga waafaqsan looga sameeynayo.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay diyaar u yihiin inay shirkadaha diyaaradaha ka gacansiiyaan in ay si waafaqsan sharciga u gutaan shaqadooda una adeegaan shacabka.