Cali Jayte oo Beledweyne ku laabtay kadibna ku dhaartay…

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan, haddane ah hoggaamiyaha ciidanka Macawiisleyda ayaa muddo kadib maanta dib ugu laabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi, isaga oo muddooyinkan safaro dibadda ku maqnaa, sidoo kalena soo maray magaalada Muqdisho.

Cali Jayte oo shir jaraa’id ku qabtay Beledweyne ayaa sheegay in soo laabashadiisa ay la xiriirto dib boor uga jafida dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

“Aniga waxaan u imid nimankaas shayaadiinta ah ee aad moodo inay ahayn gob oo xittaa dagaalkooda ahayn dagaal gobeed waxaa ka buuxsamay baadilkii hadda waaba u dhamaatay godadka ayay ku jiraan,” ayuu yiri Cali Jayte Cismaan.

Sidoo kale wuxuu digniin u diray dadka shacabka ah ee ku sugan meelaha ay joogaan Al-Shabaab, isaga oo ku dhaartay inuu gantaallo ku dhafanayo, haddii aanay ka fogaan meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan Al-Shabaab.

“Walaahi Bilaahi Talaahi waan dhaartay qofkasta oo ku nool meel ay Al-Shabaab joogaan gantaal ayaan ku dhufanayaa, iyaga iyo Shabaab waa isla mid ” ayuu mar kale yiri Jayte.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyayWaa idin digeynaa hadii kale iyaga la guura meesha ay galaan la aada ama ka fogaad”.

Hiiraan ayaa waxaa hadda ka socda qorshe dib loogu abaabulayo kacdoonkii ka dhanka ahaa Al-Shabaab, si loolaba jibaaro howlgallada xoreynta ee ka socda gobolkaasi.