Xamza oo Muqdisho ku qaabilay wasiir ka socota Finland – Maxay ka wadahadleen?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ay hoggaaminayso Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Finland, Ms Mari Rantanen, oo maanta soo gaartay magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa diirrada lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee u dhaxeeya labada dal Soomaaliya iyo Finland.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wasiirka arrimaha gudaha Finland ayaa si gaar ah hoosta uga xariiqay muhiimadda iskaashiga dhinaca amniga ee labada dal.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo wasiirkaan ka socotay Finland warbixin ka siiyey xaaladda dalka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku tallaabsatay horumar dhanka amniga ah, gaar ahaan dagaalka ay kula jirto kooxaha Khawaarijta ah oo ay ka gaartay guullo waaweyn.

Sidoo kale Xamsa ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay bishan billowday inay door muhiim ah ka cayaarto amniga dunida, kadib markii ay xubin ka noqotay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Finland ayaa kamid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya, halka dalkaan uu ka soo kabanayo burburkii u horseeday in dunida uu caawinaad weydiisto.

Arrimaha argagixisada ayaa dunida oo dhan waajib ku ah inay iska kaashato, Soomaaliya ayaa kamid ah wadamada qibradda ugu dheer u leh argagixisada, maadaama ay ka dagaalamaan Al-Shabaab iyo Daacish.

Sidoo kale, Soomaaliya ayaa aad u doon doonta in dunidu ka caawiso dagaalka ay kula jirto argagixisada oo u baahan taageero militeri, mid dhaqaale iyo mid qibradeed intaba.