Villa Somalia oo shaacisay abaal-marin sare oo Xasan lagu guddoonsiinayo DAVOS

Davos (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan magaalada Davos ee dalka Switzerland ayaa la guddoonsiin doona abaalmarinta hoggaaminta madaxweynimo ee Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Davos u jooga ka qeyb-galka shirweynaha dhaqaalaha Adduunka ayaa la siin doona abaalmarinta oo loo yaqaano Africa Presidential Leadership Award, sida ay shaacisay Villa Somalia.

Billadan ayey Madaxtooyada sheegtay inuu madaxweynaha ku mutay dadaalkiisa hoggaamineed ee u hiilinta nabadda, xasilloonida iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Xasan ayaa inta uu socdo shirka uga qeyb-galay Davos ka jeedin doona khudbad muhiim ah oo uu kaga hadlayo horumarka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa isdul taagi doona kobaca dhaqaalaha dalka iyo qorsheyaasha dowladda ee ku aaddan horumarka waara, iyada oo sare loo qaadayo iskaashiga ay Soomaaliya la leedahay dalalka muhiimka u ah horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa shirar doceedyo la yeelan doona hoggaamiyeyaasha caalamka iyo daneeyeyaasha muhiimka ah ee shirka ka qayb-galaya.

Ujeedka kulamadan ayey Madaxtooyada Soomaaliya ku sheegtay kuwo lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah ee dalalkaasi, laguna dhiirri-gelinayo maalgashiga Soomaaliya.