NISA oo soo saartay digniin culus oo ku socoto 3 dhinac

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo maanta soo saartay warsaxaafadeed ayaa digniin culus u dirtay saddex dhinac oo kamid ah bulshada, iyada oo uga digtay inay la xiriiraan kooxda Al-Shabaab ama lacago ay siyaan.

Warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in hay’addu ay la socoto dhaqdhaqaaqyada Khawaarijta, isla-arkaana ay ganacsatada, dallaaliinta iyo darawallada gaadiidka uga digeyso maalgelinta argagixisada iyo bixinta baadda ay Zakawaat-ka ugu magac dareen.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in saddexdan dhinac ay ku howlan yihiin bixinta Zakawaadka ay qaadaan Al-Shabaab, laakiin loo dirayo digniin kama dambeys ah.

“Iyada oo la tixraacayo amarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ee 4-tii Diseembar 2024, kuna saabsan joojinta maalgelinta argagixisada, waxa ay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, digniin adag u direysaa ganacsatada, dallaalliinta, iyo darawallada gaadiidka ee isku daya in ay u dhego-nuglaadaan baadda Khawaarijta.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxa ay NISA intaasi kusii dartay in cid walba oo lagu helo ku lug lahaanshaha maalgelinta waxa loogu yeero argagixisada laga qaadi doonaa tallaabo adag oo waafaqsan sharciga dalka.

Hay’adda ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay u taagan tahay ilaalinta hantida iyo badqabka muwaadinka Soomaaliyeed, iyada oo dalbatay in lala shaqeeyo.

“Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, waxaa waajib ka saaran yahay ilaalinta hantida, sumcadda iyo badqabka muwaadinka Soomaaliyeed, sidaas darteed waxaa lagu boorinayaa muwaadiniinta in ay la shaqeeyaan Hay’adaha amniga.” ayaa lasii raaciyay.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmeysa xilli dowladda Soomaaliya ay horay u sheegtay in ay xirtay Akoono ay leedahay kooxda Al-Shabaab, sidoo kale gacanta ku soo dhigtay ganacsato lagu eedeeyey la shaqeyn Al-Shabaab.