Xogta kulamo muhiim ah oo dhex-maray Soomaaliya iyo saddex dal kale + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ku sugan magaalada New York ayaa halkaasi ka wada kulamo muhiim ah, iyadoo saacadihii u dambeeyay ay mas’uuliyiinta Soomaaliya la kulmeen saddex dal.

Wasiir Fiqi ayaa la kummay Zénon Ngay Mukongo, Ergeyga Joogtada ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Koongo u qaabilsan Qaramada Midoobey, isaga oo kala hadlay sare u qaadidda xiriirka labo dhinac iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal iyo sidoo kale horumarka siyaasadeed iyo amni ee Afrikada dhexe.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarray kor u qaadidda xiriirka dhaqaale, dhowridda midnimada dhuleed iyo qarannimo ee labada dal ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Koongo.

Sidoo kale waxaa la isla soo hadal-qaaday muhiimadda ay leedahay in caqabadaha gobolka lagu xaliyo aragti Afrikaanku leeyihiin, iyo xaqiijinta bedqabka iyo ammaanka ganacsatada Soomaaliyeed ee beec-mushtarka ku leh DRC, loona fududeeyo habraacyada, iyadoo la ilaalinayo naftooda iyo danahooda maaliyadeed.

Sidoo kale, wasiir Fiqi ayaa New York kula kulmay Tanja Fajon, ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda iyo Yurub ee Jamhuuriyadda Slovenia, isaga oo kala hadlay ballaarinta dhinacyada iskaashiga iyo wax wadaagga.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasad iyo amni, si gaar ah howl-galka lagu baacsanayo, laguna ciribtirayo argagixisada, si la mid ah dadaallada lagu bixinayo fulinta hindasayaasha lagu horumarinayo goobaha la xorreeyay sida; dayactirka iyo dhismaha kaabayaasha muhiimka ah oo ay ka mid yihiiin iskuullada, isbitaallada iyo saldhigyada booliiska, kuwaas oo muhiim u ah soo kabashada iyo xasilloonida.

Panama oo ah dalka saddexaad ee wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya uu la kulmay ayaa waxaa metelayay wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Panama, Carlos Ruiz-Hernández.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo soo banbixinta dhinacyada iskaashi ee kala duwan ee labada dal ay iska kaashan karaan, iyadoo kulanka uu ahaa fursad dib loogu eegayay xiriirka jira iyo in la ogaado siyaabaha cusub ee iskaashi.