Jubbaland oo shaaca ka qaaday ‘inay dagaal kula wareegtay’ Beledxaawo

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo u warramay BBC-da ayaa faah faahiyey dagaalka ka socda degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kaas oo u dhexeeya ciidamada Janan & kuwa dowladda.

Sayid Aadan ayaa marka hore shaaca ka qaaday in dagaalka ay soo qaadeen ciidamada dowladda, balse ay iska difaaceen kuwa daraawiishta Jubbaland.

“Iska caabin kadib waxaa la isla galay magaalada, haddana halkaas ayey wax ka socdaan”, ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in ciidamadooda ay la wareegeen xarumaha muhiimka ah, sida xarunta degmada & saldhigyada ciidanka, sida uu hadalka u dhigay.

“Ciidanka Jubbaland waxa ay ii sheegeen meelihii xarumaha degmada iyo saldhiyadii inay hadda joogaan oo ay ku sugan yihiin wax dhibaato ahna ayna qabin,” ayuu sii raaciyey.

Maxamuud Sayid Aadan oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in dagaalka haatan xoogiisa uu ka socda banaanka magaalada, islamarkaana ay weli socota rasaasta.

Xaaladda Beledxaawo ayaa aad u cakiran, waxaana saaka dagaal rogaal celis ah qaaday ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor.

Si kastaba dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay dagaalkaasi ayaa ku eedeysay Kenya, waxaana sheegtay in jabhad ay hubeysay ay soo weerartay Beledxaawo.