Khasaaraha ugu xooggan dagaalka Beled-Xaawo oo gaaray caruur hal qoys ah

Beledxaawo (Caasimada Online) – Waxaa weli isa soo taraya khasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda gudaha degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kaas oo u dhexeeyo ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa maamulka Jubbaland ee uu horkacayo wasiir Janan.

Dhimashada ayaa ka badan 10 qof, halka ay jiraan dhaawacyo kale oo la soo sheegayo, waxaana dadka ay waxyeealada soo gaartay ka mid ah shacab aan waxba galabsan.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in dadka dhintay ay ka mid yihiin 5 caruur ah oo isku qoys ahaa, kuwaas oo uu madfac ugu tegay hoygooda, waxaana ka bad-baaday Aabahood oo lagu magacaabo Cabdiwali Turmaag Maxamed, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah.

Xaaladda ayaa aad u cakiran, waxaana dagaalka uu weli ka socdaa qeybo ka mid ah degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Labada dhinac ayaa guullo ka kala sheeganaya dagaalka oo ah mid culus, iyada oo is-gaarsiinta magaaladana ay haatan aad u xun tahay.

Beledxaawo ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyey ka jiray dhaq-dhaqaaqyo xoogan, kadib markii ay dagaal kula wareegeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.